Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay halka uu marayo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Mucaaradka, iyadoo sheegtay in weli ay jiraan qodobo la isku fahmay iyo kuwo u baahan wada-xaajood dheeraad ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim, oo wareysi siiyay TV-ga Al-Carabiya, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka dastuurka iyo doorashooyinka soo socda.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay si joogto ah ugu baaqayeen dhinacyada siyaasadda inay khilaafaadkooda ku dhammeeyaan wada-hadal, is-afgarad iyo wada-xaajood.
“Marar kala duwan ayaa lala fariistay dhinacyada Mucaaradka, waxaana jiray qodobbo lagu heshiiyay iyo kuwo weli u baahan in laga gaaro is-afgarad,” ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta.
Cabdifataax Qaasim ayaa xusay in Dowladda ay diyaar u tahay in wada-xaajoodku sii socdo, balse ay si cad uga soo horjeeddo adeegsiga hubka, abuurista qalalaase iyo tallaabo kasta oo dhaawici karta nabadda iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay horumar ka sameeyeen howlgallada milatari, isla markaana ay xoreeyeen deegaanno ballaaran.
Si kastaba, wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisadu uusan ku koobnayn oo keliya furimaha dagaalka, balse Dowladda ay waddo qorshe ballaaran oo ay qayb ka yihiin la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, joojinta wararka been-abuurka iyo dacaayadaha, dhabar-jarka ilaha dhaqaale ee kooxaha argagixisada iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay.
Dhinaca xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, Wasiirka ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir derisnimo, ayna Soomaaliya diyaar u tahay iskaashi ku dhisan ixtiraam iyo ilaalinta danaha labada dhinac.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay soo dhoweynayso iskaashi dhaqaale iyo maalgashi sharci ah, balse heshiis kasta uu waafaqsan yahay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyay mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan gobollada waqooyi-galbeed ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal keliya oo midaysan, isla markaana aysan Dowladda aqbalayn tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Wuxuu sheegay in aqoonsi kasta oo sharci-darro ah oo lagu beegsado qayb ka mid ah Soomaaliya uu xadgudub ku yahay madax-bannaanida qaranka, isla markaana uu saamayn ku yeelan karo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka, xoojinta dowladnimada, ciribtirka kooxaha argagixisada iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhammeeyo wada-hadal nabadeed.


