Somaliland oo ka hadashay xariga weriye Xassan Gallaydh

Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay xarigga wariye Xasan Galleydh oo shalay la xiray,

Waxay sheegeen in Galeydh loo haysto eedo ku saabsan faa-faainta warar been abuur ah.

War kooban oo ka soo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in wariyuhu uu caddeyn u waayay wararka uu baahiyay oo boolisku been abuur ku tilmaameen.

Intaa waxey ku dareen laamaha ammaanku in ay maxkamad hor-geyn doonaan isla markaana arrimahaas wax laga waydiin doono.

Somaliland bilihii la soo dhaafay waxaa lagu xiray tiro wariyaal ah, iyadoo xukuumaddu ku eedeysay wariyaasha gudbinta warar aan sax aheyn.

Qoraalka Booliska Soomaaliland ayaa u qornaa sidan:-

“Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), oo ku eedaysan faafinta warar been-abuur ah.

Eedaysanaha ayaa wax laga weydiiyey wararka uu warbaahinta ku faafiyey, taas oo uu wax caddayn ah u waayay, waxaana si degdeg ah loogu horgeyn doonaa Hay’adaha Sharciga.” ayaa lagu yiri qoraalka.Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay xarigga wariye Xasan Galleydh oo shalay la xiray,

Waxay sheegeen in Galeydh loo haysto eedo ku saabsan faa-faainta warar been abuur ah.

War kooban oo ka soo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in wariyuhu uu caddeyn u waayay wararka uu baahiyay oo boolisku been abuur ku tilmaameen.

Intaa waxey ku dareen laamaha ammaanku in ay maxkamad hor-geyn doonaan isla markaana arrimahaas wax laga waydiin doono.

Somaliland bilihii la soo dhaafay waxaa lagu xiray tiro wariyaal ah, iyadoo xukuumaddu ku eedeysay wariyaasha gudbinta warar aan sax aheyn.

Qoraalka Booliska Soomaaliland ayaa u qornaa sidan:-

“Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), oo ku eedaysan faafinta warar been-abuur ah.

Eedaysanaha ayaa wax laga weydiiyey wararka uu warbaahinta ku faafiyey, taas oo uu wax caddayn ah u waayay, waxaana si degdeg ah loogu horgeyn doonaa Hay’adaha Sharciga.” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku...

Sheekh Shariif oo ka hadlay askari lagu dilay Shabeelada dhexe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka...

DFS oo ka hadashay halka uu marayo wada-hadalka Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay halka uu marayo wada-hadallada...

KGS, CXDS iyo AUSSOM oo ku heshiiyay dagaal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loo sugo amniga Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed iyo talisyada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa...

Diyaaradaha dagaalka oo duqeymo xooggan ka fuliyay G/Sh/Dhexe

Diyaaradaha dagaalka ayaa xalay duqeymo xooggan ka fuliyay deegaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles