Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilka Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Aano Qabiil loogu dilay Shabeelada Dhexe.
“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Waa wax laga murugoodo dilka naxdinta leh ee loo geystay, Ilaahay ha u naxariistee, Axmed Shire. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waalidkiisa, qoyskiisa, eheladiisa, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Axmed Shire, isagana waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo.
Waxaan si adag cambaareynayaa falkaas foosha xun ee loo geystay marxuumka. Aanooyinka qabiillada walaalaha ee Soomaaliyeed waxay noqotay dhacdooyin soo noqnoqda siina korordhay muddooyinkaan danbe.
Mar kasta oo dowladnimadeenu daciifto waxaa sii kordha fowdada iyo dagaallada beelaha. Ilaahay waxaan ka rajaynaynaa dowlad caadil ah oo kala bedbaadisa dhiigga Soomaaliyeed ee meel kasta ku qubanaya. Beelaha walaalaha waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan bannaysashada dhiiggooda oo khilaafaadkooda wadahadal ku xalliyaan.


