Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in la joojiyo lacag dhan $100 oo si joogto ah looga jari jiray xildhibaannada, taas oo loogu talagalay in lagu daboolo kharashaadka aaska xildhibaan geeriyooda.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah xildhibaannadu su’aalo ka keeneen lacagta laga jaro mushaharkooda iyo qaabka loo maamulo, iyagoo dalbaday in loo caddeeyo halka ay ku baxdo iyo cidda mas’uulka ka ah maamulkeeda.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa, kadib su’aalo dhowr ah oo ay xildhibaannadu ka weydiiyeen arrintan, ugu dambeyn ku dhawaaqay in la joojiyay lacagtaasi oo muddo dheer si joogto ah looga jarayay xildhibaannada.

Arrintan ayaa dood ka dhex dhalisay xildhibaannada, iyadoo qaar ay taageereen joojinta lacagta, halka kuwo kale ay sheegeen in ujeeddada su’aalahoodu aysan ahayn in lacagta la joojiyo, balse ay doonayeen in la ogaado halka ay ku baxdo iyo sida loo maareeyo.

Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaannadu xaq u leeyihiin inay Guddoonka wax ka weydiiyaan sida loo maareeyo lacagtaas. “Lacagtaas laga qaado xildhibaannada isku geyn ahaan waxay gaareysaa $75,500,” ayuu yiri Dhabancad, oo kamid ahaa xildhibaannadii Guddoonka ka dalbaday caddeyn ku saabsan maamulka lacagta.

Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in su’aalaha xildhibaannadu ka keeneen lacagta ay ku salaysnaayeen isla xisaabtan iyo helitaanka xog cad oo ku saabsan dhaqaalaha laga jaro xildhibaannada, balse aysan dalban in la joojiyo lacagta. Hase yeeshee, Guddoonka ayaa ugu dambeyn si rasmi ah ugu dhawaaqay joojinteeda.

Lacagta la joojiyay ayaa ahayd mid xildhibaannada si joogto ah looga jaro mushaharkooda, waxaana loogu talagalay in lagu daboolo kharashaadka aaska xildhibaan geeriyooda. Go’aanka cusub ayaa soo afjaraya nidaam muddo socday, kadib markii xildhibaannadu dalbadeen in si cad loo qeexo qaabka lacagta loo ururiyo, loo maareeyo iyo halka ay ku baxdo.

WARARKII KALE

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

Dadka Iswiidhishka ah ayaa u codeynaya doorasho guud maanta oo Axad ah

Dadka Iswiidhishka ah ayaa u codeynaya doorasho guud oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles