Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika, Sareeye Gaas Tudor.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo howlgallada, gaar ahaan taageerada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tayeynta ciidanka iyo dhismaha ciidan qaran oo leh awood iyo diyaar-garow sare.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla eegay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka

WARARKII KALE

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles