JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ururka, iyadoo uu shir-guddoomiyay Xoghayaha Guud ee JSP, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda ee Dowladda Hirshabeelle iyo qorshayaasha siyaasadeed ee Ururka.

Guddiga Fulinta ee JSP ayaa kulanka ka soo saaray go’aan ku saabsan musharraxa Ururka u metelaya doorashada Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle.

Gudigga Fulinta JSP ayaa si aqlabiyad leh u go,aamiyay in Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu noqdo musharraxa rasmiga ah ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ugu taagan doorashada Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ururrada siyaasadeed ay wadaan diyaar-garowga doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Hirshabeelle.

WARARKII KALE

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

Dadka Iswiidhishka ah ayaa u codeynaya doorasho guud maanta oo Axad ah

Dadka Iswiidhishka ah ayaa u codeynaya doorasho guud oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles