Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay rag hubeysan ka geysteen gobolka Plateau ee bartamaha waqooyi ee Nigeria, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaas.
Axaddii, kooxo hubeysan ayaa weerarro ka fuliyay deegaannada Mangu iyo Riyom, halkaas oo dad safar ku jiray lagu dilay.
Sagaal ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa rakaab u socday magaalada Jos, kuwaas oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen tuulada Dungus.
Lix qof oo kale ayaa lagu dilay deegaannada Mangu iyo Riyom, sida uu BBC u sheegay hoggaamiyaha dhalinyarada Riyom, Dalyop Solomon Montrey.
Wuxuu sheegay in kooxaha hubeysan ay habeenkii weerareen waddada weyn ee Abuja, iyagoo markii hore dilay darawalkii gaari iyo dad kale, kadibna tirada dhimashadu ay gaartay sagaal.
Gobolka Plateau ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay isku dhacyo qowmiyadeed iyo kuwo diimeed, iyo sidoo kale amni-darro, kuwaas oo sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed.


