Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Baydhabo, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan garabka Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Dhowr gantaal ayaa lagu garaacay deegaanka, waxaana illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo cidda sida tooska ah loo beegsaday.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeynta loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo ay leedahay Dowladda Turkiga, kuwaas oo la sheegay inay taageerayaan howlgallada ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed iyo ciidamada Daraawiishta ee garabka Lafta-gareen.
Ma cadda illaa hadda in duqeynta ay waxyeello ka soo gaartay shacabka ama ciidamada halkaasi ku sugan, waxaana weli socda xog uruurinta ku saabsan khasaaraha.
Diyaaradaha Turkiga ayaa horey uga fuliyay duqeymo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo dhacdooyinkii hore ay dhalisay walaac iyo banaanbaxyo looga soo horjeeday duqeymaha iyo doorka Dowladda Turkiga ee howlgalada militari ee Soomaaliya.


