Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland aysan colaad u hayn Xuutiyiinta Yemen iyo guud ahaan shacabka Yemen, balse ay feejignaan sare ka muujinayso khataraha amni ee ka imaan kara gobolka.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay ogtahay xiriir uu sheegay inuu ka dhexeeyo Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab, isagoo xusay in arrintaasi ay tahay khatar amni oo u baahan in si dhow loola socdo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay kala qeybineyso dadka Soomaaliyeed, halkii ay mideyn lahayd.

“Soomaali waa walaaleheen, waxaan la jecel nahay nabad iyo dowladnimo, balse Dowladda-dhexe ee Muqdisho ayaa kala qaybisa dadka Soomaalida halkii ay mideyn lahayd; Baydhaba way weerartay, Puntland way isku dayday, Jubbaland way weerartay, waxaana laga yaabaa in annagana nagu soo socoto,” ayuu yiri Cirro.

Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko maamulka Waqooyi Bari, Cirro wuxuu sheegay in dadka Laascaanood ay yihiin dad uu sheegay inay isku yihiin, isagoo carrabka ku adkeeyay inuu doonayo in arrinta lagu dhammeeyo nabad.

“Aniga waxaa iga go’an nabad, go’ cad ayaan la tegey Ceerigaabo, nabaddaas ayaan wadayaa ilaa aan helno Laascaanood,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Cirro ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland uu ka dhexeeyo xiriir iyo iskaashi dhow, gaar ahaan dhinacyada isu-socodka dadka, ganacsiga iyo amniga.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ay si wadajir ah uga hortagaan khataraha ay ka mid yihiin argagixisada iyo burcad-badeedda, isagoo xusay in la dhisay guddiyo labada dhinac ah oo si joogto ah u kulma.

Sida uu sheegay Cirro, guddiyada Somaliland iyo Puntland ayaa laba jeer ku kulmay Nairobi iyo Addis Ababa.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo amni, iyadoo Somaliland ay sidoo kale dadaal ugu jirto xoojinta xiriirrada caalamiga ah iyo raadinta taageero dibadeed.

WARARKII KALE

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

Israa’iil oo sheegtay in ay dishay taliye milatari oo Xamaas ka tirsanaa

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay Isniintii Gaza ku dileen...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles