Cirro oo Mareykanka u bandhigay Deked, Macdan iyo Fursado Ciidan si Somaliland loo aqoonsado

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Mareykanka u bandhigto fursado dhaqaale iyo istiraatiiji ah, iyadoo uu dadaal ugu jiro in Washington ay aqoonsato Somaliland.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Semafor, xilli uu ku sugan yahay Washington, Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay Mareykanka siin karto fursad uu kaga faa’iideysto dekedda Berbera iyo kheyraadka macdanta, iyadoo sidoo kale uu albaabka u furay in laga wada xaajoodo isticmaalka xarumo ciidan.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland aysan waxba bilaash ku bixin doonin, balse ay dooneyso heshiis ay labada dhinac uga faa’iideystaan fursadaha jira.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inuusan meesha ka saareyn in mustaqbalka la gaaro heshiis ku saabsan saldhig ama adeegsi ciidan oo ay Mareykanka ama dalal kale ku yeeshaan Somaliland, isagoo xusay in arrintaasi ay tahay mid u baahan wada-xaajood iyo wax Somaliland ay beddelkeeda ka heli karto.

Dhanka kale, Cirro ayaa fariin gaar ah u diray Madaxweyne Donald Trump, isagoo sheegay in garoonka diyaaradaha Berbera loogu magac-dari karo Trump, ama in madaxweynaha Mareykanka lagu soo dhaweeyo inuu ka dhisto Trump Tower magaalada Hargeysa.

Warbixinta ayaa sheegtay in Cirro uu Washington u joogo olole uu ku doonayo aqoonsiga Mareykanka, iyadoo Somaliland ay isku dayeyso inay Washington tusiso faa’iidooyinka dhaqaale iyo istiraatiiji ee ay ka heli karto gobolka.

Warbaahinta Semafor ayaa sidoo kale xustay in Soomaaliya ay si weyn uga soo horjeeddo hindisahan, isla markaana Muqdisho ay Berbera, xeebaha iyo kheyraadka Somaliland u aragto inay qayb ka yihiin dhulka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin culus

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa hoos-u-dhac weyn oo ku...

Puntland iyo Mareykanka oo xaqiijiyey duqeyn lagu beegsaday xarun hubka Al-Shabaab ku kaydsanayeen

Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in howlgal milatari...

Janan oo heegaan sare geliyay ciidanka ku sugan degmada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee deegaanada...

Aadan Madoobe oo amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga Baydhabo

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Leego

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles