Aadan Madoobe oo amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga Baydhabo

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo warbixinno laga dhageystay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha amniga ee ka qeybgalay shirka.

Hoggaamiyaha ayaa faray hay’adaha amniga in la xoojiyo wada-shaqeynta, feejignaanta iyo howlaha lagu sugayo amniga shacabka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ilaalinta nabadgelyada iyo badqabka bulshada.

Sidoo kale waxaa shirka lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada amniga ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku boorriyey hay’adaha amniga in ay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida, isla markaana shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiisha kala duwan hay’adda amniga ee ka howlgala deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin culus

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa hoos-u-dhac weyn oo ku...

Puntland iyo Mareykanka oo xaqiijiyey duqeyn lagu beegsaday xarun hubka Al-Shabaab ku kaydsanayeen

Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in howlgal milatari...

Janan oo heegaan sare geliyay ciidanka ku sugan degmada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee deegaanada...

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Leego

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan...

Cirro oo Mareykanka u bandhigay Deked, Macdan iyo Fursado Ciidan si Somaliland loo aqoonsado

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles