Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York ee dalka Maraykanka, si uu uga qaybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Shirka guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee kalfadhiga 81-aad ayaa si rasmi ah u furmaya Talaadada 22-ka September 2026, waxaana uu socon doonaa ilaa 26-ka September, iyadoo maalinta ugu dambeysa ee doodda guud ay noqon doonto 28-ka September.
Shirka ayaa lagu qabanayaa xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, waxaana ka qaybgali doona madaxda dowladaha iyo wakiillo heer sare ah oo ka kala socda dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Soomaaliya ayaa xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo muddada xubinnimadeedu ku eg tahay dhammaadka sannadka 2026.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qaybgeli doono kulamada iyo doodaha Golaha Guud, isla markaana uu khudbad ka jeedin karo madasha, inkastoo faahfaahinta rasmiga ah ee jadwalkiisa iyo waqtiga khudbaddiisa aan weli la shaacin.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo gaar ah la yeesho madaxda dalalka iyo mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah ee ka qaybgala shirka.
Kulamadaas ayaa lagu wadaa in looga hadlo xaaladda Soomaaliya, amniga, siyaasadda, dowlad-dhiska, iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ayaa sanadkan lagu qabanayaa halkudhigga “Soo celinta kalsoonida, maaraynta isbeddelka: Qaramada Midoobay oo u adeegta dhammaan.”
Ilaa hadda, dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin faahfaahinta dhammeystiran ee safarka Madaxweynaha, khudbaddiisa iyo kulamada uu New York kula yeelan doono madaxda caalamka.


