Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaddib markii Taliska Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu soo saaray bayaan ku saabsan ilaalinta amniga iyo dowladnimada.
Taliska Qeybta 27-aad ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Gobolka Hiiraan, inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta dowladnimada, xoojinta nabadda iyo sugidda amniga.
Taliska ayaa bulshada uga digay inay ka fogaadaan fal kasta oo ka hor imaanaya amniga, xasilloonida iyo midnimada bulshada, isagoo sheegay in falalka amniga ka baxsan ay keeni karaan qalalaase, khalkhal amni iyo dhibaatooyin saameeya nolosha shacabka.
Bayaanka ayaa sidoo kale bulshada ku boorriyey inay door ka qaataan sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka Hiiraan, xilli magaalada Beledweyne ay ka soo cusboonaadeen xiisado la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka.
Taliska Qeybta 27-aad ayaa sheegay in ilaalinta dowladnimada iyo amniga ay u baahan yihiin wada-shaqeyn dhex marta ciidamada iyo shacabka.
Qeybta 27-aad ayaa fadhigeedu yahay magaalada Beledweyne, waxaana ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.


