Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kulan isugu jiray qado sharaf iyo sagootin ugu sameeyey taliyihii hore ee Qaybta 3-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Brigadier General Teklu Hurisa Janka. 

Kulanka ayaa lagu sagootinayey taliyihii hore, iyadoo Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uu uga mahadceliyey adeegii iyo dadaalkii uu muddadii uu xilka hayey ku bixiyey xoojinta amniga, xasilloonida iyo wada-shaqeynta u dhexeysay ciidanka AUSSOM iyo hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo dhoweeyey Taliyaha cusub ee Qaybta 3-aad ee AUSSOM, Brigadier General Hashim Mohammed Chikula, isagoo u rajeeyey inuu si wanaagsan u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu sii xoojin doono wada-shaqeynta ka dhexeysa AUSSOM iyo Dowladda Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed iyo sii wadidda dadaallada lagu taageerayo ciidamada Soomaaliyeed ee ka howlgala Deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo saraakiisha Madaxtooyada.Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kulan isugu jiray qado sharaf iyo sagootin ugu sameeyey taliyihii hore ee Qaybta 3-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Brigadier General Teklu Hurisa Janka. 

Kulanka ayaa lagu sagootinayey taliyihii hore, iyadoo Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uu uga mahadceliyey adeegii iyo dadaalkii uu muddadii uu xilka hayey ku bixiyey xoojinta amniga, xasilloonida iyo wada-shaqeynta u dhexeysay ciidanka AUSSOM iyo hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo dhoweeyey Taliyaha cusub ee Qaybta 3-aad ee AUSSOM, Brigadier General Hashim Mohammed Chikula, isagoo u rajeeyey inuu si wanaagsan u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu sii xoojin doono wada-shaqeynta ka dhexeysa AUSSOM iyo Dowladda Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed iyo sii wadidda dadaallada lagu taageerayo ciidamada Soomaaliyeed ee ka howlgala Deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo saraakiisha Madaxtooyada.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

DF oo ka hadashay xiisada ka taagan Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xiisadda ka...

Maraykanka iyo Denmark oo heshiis ka gaaray amniga Greenland

Maraykanka iyo Denmark ayaa ku dhawaaqay heshiis ku saabsan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles