Madasha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa fariin qoraal rasmi ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed iyo dastuuriga ah ee Soomaaliya.
Qoraalka Madasha ayaa lagu sheegay inay matalayso isbahaysi ay ku jiraan hoggaamiyeyaal mucaarad ah iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Madasha Mustaqbalka ayaa Golaha Ammaanka ka codsatay in la qabto kulan rasmi ah oo looga hadlayo xaaladda dastuuriga iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qayb qaataan wakiillo ka socda Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD.
Waxay sidoo kale Golaha Ammaanka u gudbisay walaac ku saabsan muddadii xilalka hay’adaha dowladda federaalka, iyadoo xustay in muddadii Golaha Shacabka ay dhammaatay 14-kii Abriil 2026, halka muddadii xilka Madaxweynaha ay sheegtay inay dhammaatay 15-kii May 2026.
Madasha ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay xoog u adeegsatay khilaafaadka siyaasadeed, waxayna tusaale u soo qaadatay dagaalladii Jubaland, howlgallo ka dhacay Muqdisho, xiisaddii Gaalkacyo iyo duqeyn diyaaradeed oo ay sheegtay inay 3-dii Sebtembar ka dhacday Doolow.
Dhambaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madasha Mustaqbalka ay Golaha Ammaanka u gudbiyeen farriimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa si gaar ah u dalbanaya in beesha caalamku si toos ah uga qaybqaadato wax ka qabashada khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo Madasha Mustaqbalka ay ku baaqday in Golaha Ammaanku arrinta Soomaaliya ka yeesho kulan rasmi ah ka hor inta aan la gaarin go’aannada la xiriira UNTMIS iyo AUSSOM.
Dhambaalku wuxuu muujinayaa in mucaaradka iyo Puntland ay doonayaan in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya loo gudbiyo heer caalami ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka ku saabsan dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Hase yeeshee, dhambaalku si toos ah uma dalbanayo in Soomaaliya lagu celiyo “nidaamkii Kumeelgaarka”; waxa uu si cad u dalbanayaa kulan Golaha Ammaanka ah oo looga doodo xaaladda dastuuriga iyo siyaasadeed ee dalka.


