Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ahna musharaxa JSP ee Hirshabeelle ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.
Garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere wafdiga Madaxweynaha, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan, Wasiirro,
Xildhibaano, Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe, Duqa magaalada Jowhar, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa ku hakaday V. I. P garoonka Maxamed Dheere waxana kulan kula qaatay masuuliyiintii soo dhaweysay.
Shacabka caasimada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ay ku ammaaneen adeegiisa Dowladnimada taas oo ugu dambeyn dhaxlsiisay inuu noqdo musharaxa xisbiga tallada dalka haayo ee JSP inuu u soo xusho Hirshabeelle.
Gunaanudkii, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta iyo bulshada Hirshabeelle


