Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka falceliyay warqad uu sheegay inay ku taariikheysneyd 13-ka Sebtembar 2026, taas oo uu sheegay inay ka tarjumeyso mowqifka Puntland.
Xoosh ayaa sheegay in warqaddaasi aysan matalin aragtida shacabka iyo waxgaradka Puntland, isagoo ku tilmaamay “been-abuur bulsho.” Waxa uu xusay in Puntland lagu dhisay Soomaali-nimo, midnimo qaran iyo ilaalinta wadajirka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta aysan dan siyaasadeed oo ku-meel-gaar ah ku beddeli karin mabaadi’da uu sheegay inay saldhig u yihiin Puntland iyo Soomaaliya.
Xoosh ayaa qoraalka ku eedeeyay inuu taageerayo aragtiyo uu ku tilmaamay kuwo kala-goyn ah oo ka socda New York, isagoo sidoo kale ku andacooday in qoraalka ay diyaariyeen “gacmo shisheeye” oo loo soo dhiibay siyaasiyiin Soomaali ah.
Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa si gaar ah u dhaliilay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku eedeeyay inuu dano shisheeye u adeegayo, isla markaana uu qayb ka yahay mashruuc uu sheegay inuu waxyeello u geysanayo midnimada Soomaaliya.
Hadallada Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland. Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa mowqifyo kala duwan ka qaba arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.


