Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo Nolol, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 24-ka Sebtembar 2026 warqad furan u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo dowlad-dhiska.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay mareyso marxalad xasaasi ah oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ah, isagoo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu hormuud ka noqdo wada-hadal qaran oo lagu xallinayo khilaafaadka jira.

Wuxuu warqaddiisa ku sheegay in dastuur heshiis lagu yahay, dhammaystirka hannaanka federaalka, doorashooyin loo dhan yahay iyo wada-hadal siyaasadeed ay yihiin arrimo muhiim u ah ilaalinta midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dalka uusan weli lahayn hannaan doorasho oo dhammaan dhinacyadu ku heshiiyeen, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ay sii adkeeyaan xaaladda dalka.

Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in heshiis laga gaaro doorashooyinka, isla markaana muddo kooban gudaheed la qabto doorasho loo dhan yahay, si Soomaaliya looga gudbiyo waxa uu ku tilmaamay “jahwareerka siyaasadeed”.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay qaataan tanaasul, ayna wada-hadalka ka dhigaan waddada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Warqadda Farmaajo ayaa kusoo beegmeysa xilli khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada. Dhinacyada siyaasadda ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba habka loo wajahayo doorashooyinka iyo heshiiska siyaasadeed ee loo baahan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Mucaaradka oo fariin u diray Golaha ammaanka ee Q.M

Madasha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa fariin qoraal rasmi ah u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles