Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliil culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in siyaasadaha dowladda Federaalka ay sii xoojinayaan kala qeybsanaanta dalka, isla markaana ay halis gelinayaan dowladnimada Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa horey ugu eedeeyay dowladda Federaalka in ciidanka qaranka loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed, halkii xoogga la saari lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in khilaafaadka siyaasadeed iyo iskahorimaadyada hubeysan ay dhaawacayaan midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed.
Hadallada Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada.


