Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in halkaasi ay ku dagaallamayaan ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo kale oo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ilo madax bannaan ayaa BBCSomali, u xaqiijiyay in dagaalka oo bilowday waaberigii hore ee saaka uu ku faafay xaafado ka tirsan Baydhabo.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, laakin hugunka rasaasta ayaa laga maqlayaa qaybo ka tirsan magaalada.
Afhayeen u hadlay madaxweynihii hore ee Laftagareen ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay guulo dagaalka ka gaareen.


