Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in saaka magaalada Baydhabo, ay isku dayeen wax ay ku sheegeen al-Shabaab in ay arbushaad ka sameeyaan hase-yeeshee ay ka hortageen ciidamada kala duwan ee maaamulkaas.
Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa xusay magacyada dhowr qof oo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin al-Shabaab isla markaana saaka isku dayay in ay khal-khal galiyaan amniga magaalada Baydhabo.Wuxuu sheegay in ciidamada qalabk sida ee Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka hortageen ficillada ka dhanka ah amniga Baydhabo.
Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo, oo muuqaalkiisa la faafiyay ayaa xilliga uu hadlayo waxaa la maqlyaa rasaas dhacaysa, waxaana uu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan oo waxyaabah ay maq-maqlayaanna ay yihiin wax aan sidaa u sii weyneyn.
Dhanka kale Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhyeenka ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa isana sheegay in ciidamadoodu ay ku dhowyihiin in ay“ gacanta ku dhigaan Baydhabo iyo guudahaan Koonfur Galbeed“.
Sheegashooyinka labada dhinac marka laga yimaado ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa waxa dhabta ah ee dhacaya, maadama weli magaalada dagaal ka socdo.
Dadka shacabka ah ayaa dareemaya cabsi xooggan waxaana qaarkood ay ku jiraan oo ay ku gambanayaan guryahooda sida wararku ay sheegayaan.


