Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo, ayaa sheegtay in kooxihii saaka Baydhabo soo weeraray ay ahaayeen “argagixiso isla markaana job xooggan la gaarsiiyay
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa Facebook, ku baahiyay qoraal kooban ayaa sidaan yiri: “Mataanihii Argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray”.
Hadalka wasiir Fiqi ayaa u muuqda in uu mataanaha ula jeedo ama uu is raacinayo ciidamada ka amar qaatta madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis laftagareen iyo al-Shabbaab, oo dhowr jeer oo hore dowladdu sidaan oo kale isugu lammaanisay.


