Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga ay sheegtay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerar ay magaalada ku soo qaadeen maleeshiyaad ay ku tilmaantay inay is-huwadeen.
Qoraal ay Wasaaradda Gaashaandhigga soo saartay ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay saaka “jab weyn” gaarsiiyeen weerar qaraxyo ku bilowday oo magaalada Baydhabo ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamo ay wasaaraddu ku sheegtay inay la safteen kooxaha Laftagareen.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay si adag uga hortageen weerarka, ayna gaarsiiyeen khasaare xooggan ciidamadii weerarka soo qaaday.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Baydhabo, isla markaana ay ku daba jiraan ciidamo ay sheegtay inay ka firxadeen goobihii uu dagaalku ka dhacay.
Qoraalka dowladda ayaa intaas ku daray in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay ka carareen meydad iyo dhaawacyo, inkastoo aan la shaacin tirada khasaaraha.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka ay dib ka soo saari doonto.


