RW Xamsa oo Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan kumaandooska Danab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo la baray Xeerka ciqaabta , xuquuqda aadanaha, xirfado kala duwan oo caafimaadka iyo isgaarsiinta ka mid tahay, cilad bixinta hubka , iyo xeeladaha dagaalka ee tabaha kala duwan ah.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ay wehlinayeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed iyo difaaca dalkooda.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo leh tababar, tayo iyo awood ay si buuxda ugu gudan karaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyey ciidanka cusub in ay ilaaliyaan sharcjga, ayna noqdaan kuwo ku suntan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka, si looga guuleysto kooxaha Khawaarijta ah iyo cid walba oo dalkooda u diiddan nabadda iyo horumarka ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay muddada tababarka ku qaateen ciidanka ka tirsan dufcaddan, kuwaas oo loo diyaariyey gudashada waajibaadka qaran ee ku aaddan difaaca dalka, sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagaixisada ah ee diiddan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles