Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa cambaareysay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka Carabta, iyadoo dalalka gobolka uga digtay waxa ay ku tilmaantay cawaaqibka ka dhalan kara booqashadaas.
Booqashada Netanyahu ee Imaaraadka iyo kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayed, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay dhaliyay falcelinno kala duwan.
War ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran soo saartay habeenkii Talaadada ayay ku sheegtay in amniga gobolka uu yahay arrin ay wadaagaan dhammaan dalalka gobolka, oo aan loo kala qaybin karin.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabo kasta oo fududeysa in gobolka ay soo galaan dhinacyo ay ku tilmaantay “kuwa amni-darrada abuura” ay ugu dambayn waxyeello u geysan doonto dhammaan dalalka gobolka, isla markaana ay horseedi karto kala qaybsanaan, amni-darro iyo xasillooni-darro hor leh oo ka dhacda Galbeedka Aasiya.
Iran ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladaha gobolka inay qaataan mas’uuliyadda ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayna ka fogaadaan inay fududeeyaan joogitaanka Israel, oo ay ugu yeertay “maamulka Sahyuuniyadda”, ama u oggolaadaan dhulkooda in loo adeegsado tallaabooyin lagu carqaladeynayo amniga dalalka kale ee gobolka.


