Dowladda Qadar oo shacaisay war cusub oo ku saabsan wadahadallada Iran iyo Mareykanka

Dowladda Qadar ayaa shalay sheegtay inay rajo ka qabto in dadaalladeeda dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay natiijo ka soo baxdo, inkastoo Madaxweyne Donald Trump uu beeniyay warar sheegayay inuu diyaar u yahay fududeynta cunaqabateynta Iran iyo sii deynta lacagaha Iran ee dibadda ku xayiran.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar, Majed Al-Ansari, ayaa sheegay in Doha ay weli labada dhinac farriimo isaga gudbinayso, si loo helo heshiis lagu soo afjaro colaadda.

Wadahadallada ayaa xoogaystay intii uu socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, balse illaa hadda heshiis laga gaaro dib u furista marin-biyoodka muhiimka ah ee Marinka Hormuz lama gaarin.

Qadar ayaa mar kale dhex-dhexaadinaysa labada dhinac, iyadoo mas’uuliyiinta Iran iyo Mareykanka ay Isniintii si gooni-gooni ah ula kulmeen dhexdhexaadiyeyaasha Qadar.

Dagaalka ayaa waxyeello u geystay awoodda militari iyo dhaqaalaha Iran, halka Tehran ay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday xulafada Mareykanka ee gobolka, isla markaana ay xannibtay qayb ka mid ah marinka Hormuz, taasoo saameyn ku yeelatay qiimaha tamarta adduunka.

Trump ayaa mar kale sheegay in Iran aysan yeelan karin hub nuclear ah, halka uu beeniyay warar sheegayay inuu Tehran u soo bandhigay fududeynta cunaqabateynta iyo sii deynta lacagaha xayiran.

“Waxba uma aanan soo bandhigin,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg Itoobiya ayaa ciidamadeeda kala...

UK oo DF iyo Laftagareen ugu baaqday in ay wadahadlaan, iyo inay xakameeyaan xiisadda Baydhabo

Dowladda Britain ayaa walaac ka muujisay colaadda iyo iska...

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo la ogaaday inay tababar drones ah ku qaateen Dalka Yemen

Warbixin uu baahiyay wargeyska Yemen Online ayaa lagu sheegay...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW ku xigeenka Puntland ““Puntland kama go’eyso Soomaaliya”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles