Wararka ka imaanaya maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa sheegaya in dadku ay codkooda ka dhiibanayaan doorashooyinka golaha deegaanka iyo wakiillada maamulladaasi oo saaka loo dareeray.
Sawirro baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya dadka oo meelaha qaar leyn ugu jira dhiibashada codkooda. Doorashadaan oo ah qof iyo cod ayaa Galmudug ah ku celis, halka Hirshabeelle ay tahay markii ugu horreysay.
Guddiga doorashooyinka ayaa xalay sheegay in la xayiri doono inta badan isu socodka aan muhiimka ahayn, marka laga reebo dadka ka shaqeeynaya doorashada.
Doorashooyinka ayaa waxaa loo saadaalinayaa inay ku soo kala baxaan Cali Guudlaawe iyo Liibaan Shuluq, kuwaasi oo hadda jilayaal ay ka yihiin kooxdan ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo MW Xasan Sheekh.
Magaalooyinka ay ka socdaan doorashooyinka muranka ka taagan ayaa bandow la galiyay maanta, iyada oo aad loo adkeeyay amniga oo ay suganayaan ciidamada kala ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.


