DFS oo diyaarisay qorshihii lagu weerari lahaa ciidanka Lafta gareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulan ka dhacay magaalada Baydhabo lagu diyaariyay qorshe hawlgal ciidan oo la sheegay in lagu qaadayo ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo ku sugan duleedka magaalada.

Sida xogaha soo baxaya sheegayaan, hawlgalka ayaa waxaa loo qorsheeyay inay ka qeyb galaan in ka badan 2,000 askari, iyadoo sidoo kale la filayo in loo adeegsado diyaarado dagaal.

Hawlgalka ayaa la sheegay inuu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Isxaaq Bardaale.

Xogtu waxay intaas ku dartay in diyaar-garowga hawlgalka qeyb ka yahay diyaarinta ambalaasyo iyo gurmad caafimaad, iyadoo Muqdisho laga codsaday saddex diyaaradood oo nooca Helicopter-ka ah, kuwaas oo loogu talagalay daadgureynta dhaawacyada haddii uu dagaal ka dhaco goobaha la qorsheeyay in hawlgalku ka dhaco.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in laba urur oo ka tirsan ciidamada Gorgor iyo gaadiidkooda dagaalka lagu wado in maanta iyo berri loo diro magaalada Baydhabo.

Waxaa kale oo la sheegay in maanta magaalada ay ka degayaan diyaarado sida ciidan, hub, rasaas iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo qeyb ka noqonaya diyaar-garowga hawlgalka la qorsheeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg Itoobiya ayaa ciidamadeeda kala...

UK oo DF iyo Laftagareen ugu baaqday in ay wadahadlaan, iyo inay xakameeyaan xiisadda Baydhabo

Dowladda Britain ayaa walaac ka muujisay colaadda iyo iska...

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo la ogaaday inay tababar drones ah ku qaateen Dalka Yemen

Warbixin uu baahiyay wargeyska Yemen Online ayaa lagu sheegay...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW ku xigeenka Puntland ““Puntland kama go’eyso Soomaaliya”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles