Dowladda Soomaaliya ayaa maanta, 1-da Oktoobar 2026, dhaqan gelinaysa shuruud cusub oo ku saabsan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa u safraya.
Sida lagu sheegay ogeysiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), laga bilaabo maanta waxaa laga doonayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya dibadda inay haystaan Aqoonsiga Qaranka, taas oo qeyb ka ahayd heshiis ay NIRA iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) wada galeen 30-kii Juun 2026.
Hay’adaha dowladda ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan muwaadiniinta u safraya gobollada dalka lagu wargelinayo inay hore u qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ama Shahaadada Aqoonsiga Qaranka.
Shuruuddan cusub ayaa qeyb ka ah nidaamka lagu xoojinayo diiwaangelinta iyo aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo NIRA ay hore u wadday howlaha bixinta Aqoonsiga Qaranka.


