Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo laga gaaro xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka mid ahaa Xildhibaano iyo mas’uuliyiin hore, oo uu kamid yahay Xildhibaan Aadan Saransoor.

Wafdiga ayaa Madaxtooyada Koonfur Galbeed kula kulmay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, amniga, dowlad-dhiska iyo sidii loo xoojin lahaa wada-hadalka iyo is-fahamka dhinacyada siyaasadda.

Socdaalka wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu diyaarinayo gogol dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo la qorsheynayo in lagu qabto magaalada Baydhabo, kaasoo looga gol leeyahay in xal siyaasadeed loo raadiyo khilaafka u dhexeeya dhinacyada uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Aadan Madoobe.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu wajaho wada-hadal iyo is-qaddarin, iyadoo dhinacyadu ay is-dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladda Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda Baydhabo, isagoo soo dhaweeyay kaalinta siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qaadanayaan dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Wafdiga waan waanta wada iyo Aadan Madoobe ayaa caawa kulamo xasaasi ah ku yeelanaya gudaha magaalada Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

DF oo maanta qaadaysa Tallaabo saameyn ku yeelan karta dadka u safraya dibadda

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta, 1-da Oktoobar 2026, dhaqan gelinaysa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles