Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa sheegay in shaqaaqadii dhexmartay beelaha walaalaha ah ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ay marayso heer gabagabo ah, isagoo xusay in dhinacyadu ay gaareen is-afgarad lagu soo afjarayo colaadda.

“Waxaan rabaa inaan bulshada u sheego in shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ee gobolada Sanaag iyo Haylaan dhexmartay in xaaladdeedu maanta meel gabo gabo ah marayso oo laga heshiiyey, waxaana uga mahadcelinayaa cidkasta oo arrintaasi ka shaqaysay”, Ayuu yiri Wasiir Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Sanaag uu yahay gobol uu ku tilmaamay inuu kamid yahay meelaha Soomaaliya ugu horreeya dhinacyada xadaaradda, ilbaxnimada iyo nabadda, wuxuuna xusay in dagaalada ka dhacay deegaanku ay dad badan qaadan waa ku noqdeen maadaama ay ahayd dhacdo ku cusub bulshada deegaanka, isagoo xusay in waxgaradka iyo dhinacyada ay tahay inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa heshiiska iyo xasilloonida.

“Gobolka Sanaag wuxuu kamid yahay gobolada dhanka xadaaradda, ilbaxnimada iyo nabadda ugu horreeya guud ahaan Soomaaliya, meelkasta oo xaddaaraddu ku horraysana waxaa u qiimaysan ahmiyadda nabadda iyo horumarku lee yahay, cidkasta oo waxgarad ah arrinta gobolkaan ka dhacday mucjiso ayey ku noqotay sababtoo ah waa wax ku cusub, waxaanna doonaynaa in la soo afmeero aysan dib u soo laaban ayna dhinacyadu nabadda u hoggaansamaan”, Ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles