Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo 18 jir ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar ballaaran oo lagu qaado xarunta ganacsiga ee Mall of America ee gobolka Minnesota.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka, FBI-da ayaa Sheikhdoon baaritaan ku haysay muddo ku dhow laba sano, iyadoo baaritaanka uu bilowday bishii December 2024.
Dacwadda maxkamadda ayaa sheegaysa in bishii July 2026 uu si gaar ah uga hadlay qorshe uu ku weerarayo Mall of America, isagoo doonayay inuu weerarka ka fuliyo xilli ay xaruntaasi martigelinayso munaasabad farshaxan oo loo qorsheeyay 24-ka October.
Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Sheikhdoon uu sheegay inuu doonayo inuu dilo inta u dhexeysa 30 ilaa 60 qof, isla markaana uu qorsheynayay inuu helo hub iyo rasaas, isagoo sidoo kale ka hadlayay inuu dad kale ku daro qorshaha.
FBI-da ayaa ugu dambeyn qaaday hawlgal qarsoodi ah. Sida ku xusan dokumentiyada maxkamadda, 6-dii October 2026 ayaa qof FBI-da ka tirsan oo isu ekaysiiyay xubin ka tirsan ISIS uu Sheikhdoon ka iibiyay qori AK-47 ah, afar xabo oo kayd rasaas ah iyo ku dhowaad 200 xabbo oo rasaas ah.
Qoriga ayaa FBI-du horay uga dhigtay mid aan shaqeyn karin, waxaana Sheikhdoon lagu xiray kaddib markii uu bixiyay lacag dhan $600 oo uu gacanta ku dhigay hubkii iyo rasaastii. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xilliga iibka uu mar kale xaqiijiyay qorshihiisa ah inuu dadka ku weeraro Mall of America.
Sheikhdoon ayaa hadda wajahaya hal dacwad federaali ah, taas oo la xiriirta inuu si ula kac ah u helay hub iyo rasaas uu doonayay inuu u adeegsado fal argagixiso.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay si cad u xustay in eedeymaha ku jira cabashada maxkamadeed ay yihiin eedeymo, isla markaana Sheikhdoon sharci ahaan yahay qof aan dambi lagu helin ilaa maxkamaddu si kama dambeys ah u go’aamiso.


