Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu magaalada iyo nawaaxigeeda geeyay ciidamo dheeraad ah, xilli magaalada lagu wado inuu maalmaha soo socda ka furmo shir weyn oo dib-u-heshiisiin ah.

Boqolaal askari oo si heer sare ah u qalabeysan ayaa la sheegay in xalay la dhigay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo gaadiidka dagaalka laga dareemayo qeybo ka mid ah magaalada.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay socdaan diyaar-garowga shirka dib-u-heshiisiinta ee la qorsheeyay in lagu qabto Baydhabo, kaas oo la filayo in ay ka qeyb galaan siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo dhinacyo kala duwan oo ku lug leh khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka ay heleen taageero dhinaca cirka ah, iyadoo diyaarado drone ah iyo diyaarado kale oo qumaatiga u kaca galinkii dambe ee maanta lagu arkay ama soo gaaray Baydhabo.

Ciidamada la geeyay duleedka magaalada ayaa la sheegay inay heegan sare ku jiraan, iyadoo tallaabadan lagu micneeyay inay qeyb ka tahay qorshaha lagu sugayo ammaanka magaalada inta lagu guda jiro shirka iyo maalmaha ka horreeya.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay weli tahay meel ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, kadib dagaalladii iyo iska horimaadyadii dhawaan magaalada ka dhacay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay in ciidamadiisu ay ku jiraan heegan, isla markaana aan la dooneyn in magaalada ay dib uga dhacaan dagaallo cusub, iyadoo dhinacyada ku howlan dadaallada nabadeed ay wadaan kulamo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo faahfaahinaya tirada ciidamada la geeyay duleedka Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles