Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, kaddib dhacdo ka dhacday bartamaha deegaanka, Sida uu Warbaahinta Risaala u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Tardo.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday kaddib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan wiil ka mid ah dadka deegaanka, taas oo keentay iska horimaad hubeysan oo markii dambe ku fiday gudaha deegaanka.
Sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo deegaanka ah, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa bartamaha Tardo, waxaana la soo wariyay dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in in ka badan 10 qof ay ku jiraan dadka ku waxyeelloobay dhacdada, hase yeeshee tirada saxda ah weli lama xaqiijin.
Tardo ayaa gaar ahaan maalinta Khamiista noqota goob mashquul badan, iyadoo halkaasi ay isugu yimaadaan dad ka kala yimaada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo u taga ganacsi iyo isu-socod. Sidaas darteed, dhacdada ayaa saameyn weyn ku yeelatay shacabka iyo dadka safarka ku yimid deegaanka.


