Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay gacan ku haynta degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay, kaddib howlgallo oo ay maalmihii la soo dhaafay ka socday duleedka degmada.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliye Cabdullaahi Xasan Liibaan, sida ay Risaala u sheegeen xubnaha Taabacsan Lafta gareen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah ciidankii halkaas ku sugnaa ay isku soo dhiibeen ciidamada Lafta gareen halka kuwo kalena la sheegay inay gudaha u galeen xerada Ciidamada Itoobiya.

Howlgalladu weli way socdaan, iyadoo Qansax Dheere ay ka baxday gacan-ku-heyntii hoggaamiyaha Xoogga lagu geeyay magaalada Baydhabo Aadan Madoobe.

Afhayeen u hadlay Lafta gareen oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Joon ayaa Warbaahinta Risaala u sheegay in si nabad ah kula wareegeen amniga degmada Qansaxdheere, islamarkaana ciidankooda ay sugi doonaan ammaanka degmada Qansaxdheere.

La wareegista Qansaxdheere ayaa ka dhigan in Aadan Madoobe uu wajahayo culeys siyaasadeed iyo mid amniga oo xilligan ka taagan deegaanada Koofur Galbeed.

Tan iyo markii Aadan Madoobe la geeyay Baydhabo waxaa uu la kulmayaa diidmo xooggan oo ugu imaanaysaa xubnaha taabacsan Lafta gareen, kuwaasi oo dhowr jeer weerar ku qaaday gudaha magaalad Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles