Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo fulinta sharciga socdaalka ee ICE, ayaa nin ku toogtay deegaan ka tirsan magaalada New York.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka, oo ay hoos tagto ICE, ayaa xaqiijisay in sarkaalku uu hubkiisa adeegsaday intii lagu jiray “hawlgal gaar ah oo lagu soo qabanayay soogalooti sharci-darro ku jooga dalka, isla markaana leh taariikh dembiyeed”.
Wasaaraddu waxay qoraal ku sheegtay in ninkaasi uu weli nool yahay, isla markaana la dhigay isbitaal ku yaalla deegaanka.
Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa dhacdada ku tilmaamay “arrin aan la aqbali karin oo aad u culus”.
“Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in saraakiishu ay hareereeyeen ninka iyo ilmo shan jir ah oo gaarigiisa ku jiray, ka hor inta aysan dhowr xabbadood ridin,” ayuu yiri Mamdani. Wuxuu sheegay in ilmaha uusan wax dhaawac ah soo gaarin.
BBC-da ayaa la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka si ay faahfaahin uga hesho hadallada Mamdani.
Guddoomiyaha gobolka New York, Kathy Hochul, ayaa sheegay inay arrintan kala hadashay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayna muujisay caro ay ku sheegtay inay ku hadlayso magaca shacabka New York.
Trump weli si cad ugama uusan hadlin toogashada.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in ninka, oo aan magaciisa la shaacin, uu ka soo jeedo Jamhuuriyadda Dominican-ka, isla markaana uu horey u galay dambiyo.


