Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii xoogganayd ee maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dadaalladii lagu xoojinayay amniga iyo xasilloonida deegaanka ay miro-dhal noqdeen, kaddib markii lagu guuleystay in khilaafkii taagnaa lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is-qancin.
Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadceliyay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan waxgaradka, haweenka, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo saraakiisha ciidamada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay dejinta xiisadda iyo ka hortagga dhiig dambe oo ku daata deegaanka.
Ku dhawaaqistan ayaa imanaysa xilli Beledxaawo ay maalmihii la soo dhaafay ka jirtay xiisad amni iyo mid siyaasadeed oo u dhexaysay dhinacyo kala duwan, taas oo walaac ku abuurtay shacabka deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta heshiiska lagu soo afjaray xiisadda iyo tallaabooyinka la qaadi doono si loo xaqiijiyo in xasilloonidu sii jirto ayaan lagu caddeyn warka la soo saaray.


