Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu ku jiro taliyihii saldhigga booliska Xagardheere, ayaa ku dhintay qarax miino oo haleelay gaari ay la socdeen, xilli uu marayay waddada isku xirta deegaannada Saretho iyo Dadaab ee gobolka Garissa, waqooyi-bari Kenya.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay xilli gaariga nooca Toyota Land Cruiser ah ee ay saarnaayeen uu dul maray walax qaraxeed oo looga shakisan yahay miino dhulka lagu aasay.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in taliyaha booliska ee saldhigga Xagardheere iyo darawalkiisii ay goobta ku geeriyoodeen, halka qaraxu uu si weyn u burburiyey gaarigii ay wateen.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyaga oo sugay amniga deegaanka, isla markaana bilaabay hawlgallo lagu baarayo sida ay wax u dhaceen iyo cidda ka dambaysay weerarka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si cad u xaqiijinaya cidda mas’uuliyadda ka dambaysa qaraxa. Hase yeeshee, wararka maxalliga ah ayaa tuhunsan in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lug yeelan karaan weerarka.
Waddada isku xirta Saretho iyo Dadaab ayaa muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo hawlgallada ciidamada ammaanka ee gobolka Garissa, oo ku dhow xadka Soomaaliya. Deegaannada ku yaalla gobolka ayaa horey u soo maray weerarro lagu beegsaday ciidamada ammaanka iyo gaadiidka, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo amniga waddooyinka xuduudda.
Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa caqabadaha amni ee ay wajahayaan ciidamada Kenya ee ka howlgala deegaannada u dhow xadka Soomaaliya, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahin rasmi ah oo dhammaystiran oo ku saabsan qaraxan.


