Uganda oo ciidamo cusub keentay Soomaaliya

Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa soo dhoweeyay guutada 48-aad ee ciidamadooda, taas oo beddelaysa guutada 45-aad ee hore uga howlgallaysay dalka.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Ciidanka Difaaca Dadweynaha Uganda (UPDF), guutada cusub waxaa hoggaaminaya Gaashaanle Sare Michael Opio Ocuka, waxaana soo dhoweynteeda qeyb ka ahaa dardaaran ay saraakiisha sare ee ciidamada Uganda siiyeen askarta ka hor inta aysan si buuxda u guda gelin waajibaadkooda.

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Uganda, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, xirfad ciidan iyo feejignaan inta ay ku guda jiraan howlgalka Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in anshaxa shaqsiga ahi uu saldhig u yahay guusha askariga, isaga oo ku boorriyay ciidamada inay ixtiraamaan silsiladda taliska, ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka ciidamada, isla markaana ay muujiyaan masuuliyad iyo anshax wanaagsan.

Sidoo kale, Kayanja ayaa xusay in wada-shaqeynta, feejignaanta iyo dadaalka joogtada ahi ay muhiim u yihiin gudashada waajibaadka ciidamada iyo ka hortagga khatarta maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dhankiisa, taliye ku-xigeenka qeybta koowaad, Gaashaanle Sare Jude Rukubya, ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay la qabsadaan xaaladaha amni iyo deegaanka ay ka howlgeli doonaan Soomaaliya, isla markaana ay khibrad ka kororsadaan askarta kale si ay si wadajir ah u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Saraakiisha Uganda ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada Afrika iyo fahamka ujeeddooyinka howlgalka AUSSOM, oo taageera dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Beddelka guutooyinka ayaa qeyb ka ah habraaca joogtada ah ee ciidamada Uganda ay ku cusbooneysiiyaan cutubyada ka howlgala Soomaaliya, si loo sii wado howlaha amni ee ay Midowga Afrika ka taageerayaan dalka.

Warbixinta UPDF ma aysan faahfaahin tirada askarta ku jirta guutada cusub ama goobaha gaarka ah ee ay ka howlgeli doonto.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

12 qof oo dhintay iyo 309 ku dhaawacmay weerar lagu qaaday garoonka Riyaad

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles