War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa waxaa looga hadlay xiisadda ka taagan nawaaxiga guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.”ayaa lagu yiri warka.
Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa yiri.
Maleeshiyaadka ayaa isku dayay in ay ciidamada amniga ku riixaan iska hor-imaad hubeysan, balse ciidamada Ilaalada Shacabka ayaa muujiyay feejignaan iyo xilkasnimo, kana fogaaday tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan-ka-hadal iyo waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah. Caddeymaha ay NISA uruurisay ayaa muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir.
Sidoo kale, 24-kii Juun 2026, maleeshiyaadkan ayaa weerar ku qaaday ciidamada Ilaalada Shacabka, waxaana la afduubtay mid ka mid ah ciidamadii waajibaadkooda gudanayay. 27-kii Juun 2026, waxay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka howlgalayay Waaxda General Daa’uud.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waa hay’ad amni oo ku shaqeysa sharciga, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed. Sidaas darteed, NISA ma oggolaan doonto in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed, mana geli doonto wax gorgortan ah oo ku saabsan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda waxaa ka go’an gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelinaya nabadgelyada bulshada.
NISA ma soo bandhigin cadeymo dheeraad ah, sidoo kale Eedeyntooda ah mid iyagu gaar ah, ma jirto ilo madax banaan oo xajiinaya sheegasha NISA.


