Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray shan gantaal , kuwaas oo dilay ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah, sida uu sheegay Madaxweyne Volodymyr Zelensky iyo hay’adaha gurmadka degdegga ah.
Bambooyinka firdha ayaa ku dhacay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaal magaalada koonfur-bari. Ugu yaraan 16 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, iyadoo qaar kale weli la la’yahay waxaana la rumeysan yahay inay ku jiraan burburka hoostiisa ka dib weerarkii subaxnimadii Sabtida.
Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta mid ka mid ah weerarrada ayaa muujinaya dhisme dabaq ah oo inta badan burburay.
“Dabaqa hoose ayaa la duqeeyay, dabaqyada sarena way dumeen,” ayay Duqa Magaalada Regina Kharchenko u sheegtay telefishanka Yukreeniyaan, iyadoo ka hadlaysa goobta.
Waxay sheegtay in in ka badan 80 shaqaale ah ay ku lug lahaayeen hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ee socda kuwaas oo la filayo inay sii socdaan maalinta oo dhan.
Samatabbixiyayaashu si joogto ah ayay u istaageen si ay u dhageystaan dhawaaq kasta oo ay sameeyaan dadka badbaaday ee laga yaabo inay ku jiraan burburka hoostiisa.
Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia
NAGU SOO BIIR


