Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar ay waddo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ciidamo milatari loogu soo dirayo Soomaaliya, iyadoo saraakiil, tababarayaal iyo la-taliyeyaal ciidan oo Masaari ah ay ka shaqeynayaan qabanqaabada howlgalka.
Ciidamada la qorsheynayo in Soomaaliya la geeyo ayaa la filayaa inay ku yimaadaan laba hannaan: iskaashi milatari oo toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Qaahira, iyo ka-qaybgalka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, AUSSOM.
Tallaabadan ayaa la xiriirta heshiiska iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Masar ay kala saxiixdeen sannadkii 2024, kaas oo labada dal u horseeday inay sii xoojiyaan xiriirkooda dhinacyada amniga, tababarka iyo iskaashiga milatariga.
Ciidamada Masar oo la sheegay in la dejin doono duleedka Muqdisho
Sida ay qortay The New Arab, ciidamada Masar ayaa la qorsheynayaa in la dejiyo deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga duleedka Muqdisho, halkaas oo uu ku yaallo garoonkii hore ee diyaaradaha Cisiley, kana tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warbixintu ma sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaliya, mana cadda goorta saxda ah ee ay ciidamadu soo gaari doonaan goobaha loo qorsheeyey in la dejiyo.
Masar ayaa muddooyinkii dambe kordhisay iskaashiga milatari ee ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo saraakiil ciidan oo labada dal ka socda ay yeesheen kulamo looga hadlayo tababarka ciidamada Soomaaliyeed, dhismaha awoodda milatariga iyo xoojinta wada-shaqaynta dhinaca difaaca.
Doorka ciidamada Masar ee AUSSOM
Haddii ciidamada Masar ay qayb ka noqdaan howlgalka AUSSOM, waxay ku biiri doonaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo xoojinta amniga dalka.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles