Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee Drop ayaa sheegtay in duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ay dishay afar qof oo ka tirsanaa hal qoys Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, kana dhacday buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari, Puntland.

Duqeynta ayaa dhacday 26-kii Janaayo 2025, meel u dhow deegaanka Togga-Xarago, xilli ciidamada Puntland ay halkaas ka wadeen howlgal militari oo ka dhan ah kooxda Daacish. Weerarka ayaa sidoo kale dhaawacay shan qof, waxaana la sheegay in qoyska laga dilay boqollaal neef oo xoolo ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Sida ay Drop Site News sheegtay, afar sarkaal oo ka tirsan laamaha ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay fuliyeen diyaarado ay maamulayeen ciidamada Imaaraadka, kuwaas oo ka soo duulay saldhig militari oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Boosaaso. Saraakiisha ayaa codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda howlgalka.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Laadan Cabdi Ismaaciil, wiilkeeda 13-jirka ahaa Cabdisamad Yuusuf Maxamuud, Maxamed Cabdiqani Maxamed oo toddoba jir ahaa iyo Xawo Axmed Saalax oo 17 jir ahayd, taas oo uur afar bilood ah lahayd.

Khadra Cabdi Ismaaciil, oo ka badbaadday duqeynta, ayaa sheegtay in qoyskeedu isu diyaarinayay casho markii ay guriga ka baxday si ay deris u booqato. Wax yar kadib, ayay maqashay diyaarad soo dhowaanaysa, waxaana xigay qarax burburiyay hoygii qoyskeeda.

Ilmo siddeed bilood jir ah oo ay Xawo haysay ayaa ka badbaaday weerarka, sida ay sheegtay warbixintu.

Baaritaanka ayaa intaas ku daray in qoysku horay uga soo barakacay deegaanka Dhadaar, kaddib markii ciidamada ammaanku uga digeen dagaallada ka socda buuraha, loona sheegay in goobta ay u guureen ay ka ammaan badan tahay deegaankoodii hore. Hase yeeshee, goobtaas ayaa markii dambe lagu duqeeyay.

Marka laga soo tago khasaaraha nafeed, qoyska ayaa waayay lix neef oo geel ah iyo ku dhowaad 400 oo ari ah, taas oo saameysay noloshooda iyo awooddooda ay dib ugu laaban lahaayeen deegaankoodii.

Saraakiisha Puntland ee la hadlay Drop Site News ayaa dhaliilay habka ay sheegeen in ciidamada Imaaraadku u fuliyeen qaar ka mid ah duqeymaha, iyagoo su’aal geliyay in si ku filan loo kala saaray dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada Daacish.

Warbaahintu waxay sheegtay in safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi aysan ka jawaabin codsiyadii faallo looga dalbaday.

Sida lagu sheegay warbixinta, saraakiisha Puntland waxay sheegeen in Imaaraadku joojiyay duqeymihii uu ka fulin jiray Puntland bishii Nofeembar 2025, halka Mareykanku uu wixii xilligaas ka dambeeyay hoggaanka u qabtay duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Daacish.

Warbixintan ayaa soo baxday iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo la xiriira heshiisyada amniga, difaaca iyo dekedaha. Puntland ayaa dhankeeda sii wadday xiriirka amni ee ay la leedahay Imaaraadka.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

12 qof oo dhintay iyo 309 ku dhaawacmay weerar lagu qaaday garoonka Riyaad

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday...

Uganda oo ciidamo cusub keentay Soomaaliya

Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo qeyb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles