Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Xuutiyiinta Yemen ay joogitaan ka sameystaan waqooyiga Soomaaliya, iyagoo xiriir la yeelanaya maleeshiyaadka Al-Shabaab, arrintaas oo sare u qaadi karta khatarta amni ee gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

Warbixin uu 9-kii Oktoobar 2026 baahiyay wargeyska ciidamada Mareykanka ee Stars and Stripes ayaa lagu sheegay in saraakiisha Mareykanku ka walaacsan yihiin in dagaalyahanno ama wakiillo ka socda Xuutiyiinta ay horeba uga joogaan qaybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya, iyagoo garab ka helaya maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo warbaahinta la hadlay isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in iskaashiga suuragalka ah ee labada dhinac uu Al-Shabaab siin karo awood dheeraad ah oo ay khatar ugu abuuri karto ciidamada Mareykanka iyo danahooda Bariga Afrika.

Walaaca ugu weyn ee Mareykanka ayaa ah in xiriirkaasi uu Al-Shabaab u sahli karo inay hesho hub casri ah, tababar iyo aqoon farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo kordhin karta awoodda weerarrada kooxda.

Sidoo kale, joogitaan ay Xuutiyiintu ka helaan gudaha Soomaaliya ayaa saamayn ku yeelan kara amniga Gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga ee isku xira Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo suuqyada caalamka.

Haddii ay Xuutiyiintu helaan goobo ay ka taageeraan sahayda iyo hawlgalladooda Soomaaliya, waxaa suuragal ah inay ballaariyaan awooddooda gobolka, taas oo adkeyn karta ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha labada dhinac ee Gacanka Cadmeed.

Arrintan ayaa sidoo kale walaac ku abuureysa Mareykanka, maadaama saldhigga Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti uu yahay xarun muhiim u ah hawlgallada ciidamada Mareykanka ee Bariga Afrika.

Jeneraal Michael Langley, oo hore u soo noqday taliyaha AFRICOM, ayaa sannadkii hore Congress-ka Mareykanka u sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee Jabuuti haddii ay go’aansadaan inay sii ballaariyaan iska horimaadkooda Washington.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa la sheegay inuu qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka rarayo Soomaaliya, si loogu adeegsado hawlgallada ka dhanka ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee Koonfurta Ameerika.

Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan qoray in diyaaradahaas loo wareejinayo Galbeedka Dunida, inkasta oo aan la shaacin tirada saxda ah ee la rarayo. Tallaabadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karto awoodda Mareykanka ee la socodka dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in diyaaradaha MQ-9 Reaper ay la kulmeen khasaare intii uu socday dagaalka Iran ee billowday dhammaadkii Febraayo 2026.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

12 qof oo dhintay iyo 309 ku dhaawacmay weerar lagu qaaday garoonka Riyaad

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday...

Uganda oo ciidamo cusub keentay Soomaaliya

Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo qeyb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles