Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka digay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu weerar ku qaado xarumaha ay ku sugan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo dowladda uga digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta abaabulka ciidan ee ay waddo xukuumadda.
Xisbiga ayaa sheegay in Madaxweynaha uu masuuliyad buuxda qaadi doono haddii weerar lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo sii kordhin karta xiisadda siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran ayaa lagu yiri:
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu qaadi doono masuuliyadda iyo cawaaqib-xumo kasta oo ka dhalata duullaan lagu qaado xarumaha siyaasiyiinta.”
Digniinta Xisbiga Himilo Qaran ayaa imaanaysa xilli uu khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradku weli ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Qoraalka digniinta ayaa ku soo aadaysa xilli ciidanka dowladda lagu arkay wadooyinka gala guryaha siyaasiyiinta mucaaradka oo ku yaala xeydaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.


