MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka qayb qaatay cutubyo ka kala socday Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si xirfad ciidannimo ku dheehan tahay u muujiyey sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay qiimaha taariikheed ee maalinka 12-ka Oktoobar iyo kaalinta uu Calanka Soomaaliyeed ku leeyahay sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in calanku yahay astaan ka tarjumaysa midnimada shacabka, himiladii xorriyadeed iyo naf-hurnimadii halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay gobanimada.

Munaasabadda maalinta Calanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka sare, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay abaabul ciidan oo lagu beegsanayo madaxdii hore

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay dhexdhexaadinta wada-hadalka Sacuudiga iyo Yemen

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Ciraaqji, ayaa khadka taleefanka...

Golaha Mustaqbalka oo ka digay abaabulka ciidan ee ka dhanka ah Sheekh Shariif

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay falal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles