Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal iyo wadahadallada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Saalax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka lagu wajaho wada-hadal, is-afgarad iyo isu-tanaasul, loona ilaaliyo xasilloonida iyo midnimada dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan la fadhiisanaysa Mucaaradka si ay kaga wada hadlaan nidaanka doorashada ay u qabanayaan Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Sidoo kale waxa ay xallinayaan tabashooyinka laga qabo doorashada kaasi oo muddo badan taagnaa.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan, inkastoo qaar ka mid ah Mucaaradka ay qaadaceen Jadwalka ay soo saaratay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa lugaha la gashay jahwareer siyaasadeed iyo mugdi weyn, kaasi oo aan la ogeyn halka uu Ku dambeyn doono.


