Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal iyo abaabul ciidan ka bilowday gobolka Bakool, iyadoo ciidamo badan lagu diyaariyey magaalada Xudur, kuwaas oo la sheegay inay diyaar u yihiin hawlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la safan hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kuwaas oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobolka.
Abaabulkan ciidan ayaa waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana dhaq-dhaqaaqyada ugu waaweyn wada Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo saldhiggoodu yahay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la diyaariyey, iyadoo la dardargelinayo abaabulka iyo isu-dubbaridka ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgallada la qorsheynayo. Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan xiisado amni iyo isbeddello siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.


