Ciidamada Ghana oo rasaas oodda kaga qaaday dad macdan qodayaal ah

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhex maray ciidamo ku sugnaa goob macdanta laga qodo oo ku taalla gobolka Ashanti ee bartamaha dalka Ghana, sida lagu sheegay war la soo saaray.

Ciidamada qalabka sida ee Ghana ayaa sheegay in ilaa 60 ka mid ah macdan qodayaasha sharci darrada ah, oo ku hubaysnaa waxyaabo ay ka mid yihiin “qoryo”, ay xoog ku galeen aagga macdanta oo ay maamusho shirkadda weyn ee caalamiga ah ee AngloGold Ashanti, iyagoo rasaas ku furay askarta goobta joogtay.

Arrintaan ayaa sababtay in askartu “ay iska difaacaan”, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka la soo saaray.

Wakiil ka socday macdan qodayaasha ayaa beeniyay in kooxda macdan qodayaasha ah ay hubaysnaayeen.

Ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya dhimashada, waxaa mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Obuasi oo dhowr bas lagu gubay.

Madaxweyne John Mahama ayaa amray in baaritaanno lagu sameeyo arrintan, isagoo sheegay in cid kasta oo lagu helo in ay si sharci darro ah ku dhaqaaqday sharciga la horgeyn doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles