Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee Lambar 1, oo soo baxay 23-kii Janaayo 2000, uu dhigayo in hubka lagu qaato oo keliya marka la helo oggolaanshaha hay’adaha nabadgelyada ee ay waajibka ku tahay bixintiisu.
Sida ku cad amarka, laga bilaabo 25-ka Oktoobar 2026 waxaa mamnuuc ah in magaalada Gaalkacyo lagu dhex qaato hub aan loo haysan oggolaansho sharci ah, waxaana la faray Taliyaha Qaybta Booliiska inuu sharciga dhaqan geliyo.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Puntland ee lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta magaalada Gaalkacyo.


